Maleeshiyada Alshabaab Oo Gaadiidka Caanaha Iyo Khudaarta Ka Mamnuucdey Magaalada Marka

Maleeshiyada Alshabaab ee weli sii maamulaya degmada Janaale iyo qeybo ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada Magaalada Marka ayaa cunaqabateyn cusub kusoo rogtey Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Amar kasoo baxey horjoogayaal Shabaab ah oo ku sugan Degmada Janaale ayaa lagu mamnuucey in wax gaadiid ah uu tagi karin Marka kuwaas oo sida Caanaha iyo Khudaarta laga qaado Janaale iyo deegaanada xoola leyda ay ku dhaqanyihiin.

Maalintii shalay ayaa Gaadiidka Caanaha iyo kuwa Khudaarta laga diidey in ay u gudbaan deegaanka Buufow islamarkaana ay uga sii tallaabaan Marka si khudaarta iyo Caanaha u geeyaan suuqayada ku yaala Magaalada.

Darawalada ayaa lagu amrey in ay joojiyaan safarka Wadada aada Marka, hadii ay jabiyaan amarkaas ayaa waxa loogu hanjabay in ay la kulmi doonaan ciqaab adag oo dil ah, darawalada ayaa maanta amarkaas dhaqan galiyey.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa sicir barar dhinaca Caanaha iyo kudaarta laga dareemay, hase haatee adeegydaii sida dhibaatada leh lagu heli jirey ayaa hada u muuqda kuwo la hor istaagey.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhibaato hor leh ku ah deeganaada qaar ee ku yaala Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ay lasoo baxen dhaqamo xun oo aad uga fog islaannimada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE