Meydadka Maleeshiyo Alshabaab Oo Miino Kula Qaraxdey Galgala Oo La Geeyey Magaalada Boosaaso

Saraakiisha ciidanka ee Buuraha Galgala ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Maleeshiyada kooxda Shabaab ay Miino kula qaraxday inta u dhaxaysa Buuraha Galgala iyo deegaanka Bali Khadar.

Saraakiisha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Miinadu ay ahayd mid ay doonayeen inay ku aasaan Wadada oo ay u dhigaan ciidanka, balse kooxihii aasayey la qaraxday.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dib  ka faahfaahin doonaan, isla markaana ay ka Xogwarami doonaan khasaaraha ka dhashay Miinada ku qaraxdey Mlaeeshiyada Shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala.

Inta badan sidan oo kale, ayaa ku dhacda Kooxda Shabaab marka ay Miino ku qarinayaan meelah qaar,  taas oo khasaare ay kasoo gaaraan kuwa aasaaya ama qarinaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE