Photo News Dibadbaxii Lagu Tageeraayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ee Lagu Qabtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre ayaa kumanaan dadwayne ah kula hadlay garoonka kubadda cagta Koonis ee Muqdisho.

“Seddexda bil ee soo socota waxaan ka shaqeyn doonaa Garsoorka, Xiligii cadaalada darada waa dhamaatay, xiligii sida loo kala xoolaha badan yahay loo kala xooga badnaa waa dhamaatay, xiligii uu garsoore uu shan go,aan oo iska soo horjeeda hal guri marba qof kuu xukminayay waa dhamaatay.

Garsoorihii muwaadiniinteena ku xukuma go,aan aan sharci aheyn anaguna aduunyada ayaan kula xisaabtami doonaa tii Aakhirana meel ayay u taalaa.

Inta aan Madaxweyne ahay ma dhici doonto in inta uu qof Muwaadin ah maxkamad hortago cadaalad daro lugu xukumo, mar danbe ma dhici doonto in hooyo Soomaaliyeed ay cadaalad daro la ooyso, Garsoorihii sidaas sameeya walaahi xabsi ayuu ku danbeyn doonaa.

Askarigii isaga oo tuutaha calankeenu ku yaalo xirta, ee xaqa iyo xuquuqda uu nugu leeyahay naga hela, ee dhibaato u geysta geysta qof shacab ah waxaan ku ciqaaabi doonaa ciqaab daran, kii qof shacab ah dila isagana tiirka ayaa sugaya. “ Ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE