Wadooyinka Muqdisho Oo Isbedel Laga Dareemayo Iyo Hogaamiye Kooxeedyo Weli Ku Adkeysanaya Inay Hubka Wareejin Doonin (Warbixin)

Tan iyo markii lagu dhaqaaqey in magaalada Muqdisho laga sameynayo howlgal hub ka dhigis ah, si loo xaqiijiyo amaanka ayaa waxa soo baxaya ifafafaalo wanaagsan oo ay muujinayaan dadka Shacabka ah.

Ciidamada isku dhafka ee xasilinta Caasimadda ayaa degmooyin dhowr ah ka sameeyey howlgallo hub ka dhis ah, waxa hubka laga qaadey Askartii lagu arki jirey Wadooyinka ee ku labisneyd dareyska Milateriga iyo kuwa dharka caadiga ah watey.

Sidoo kale waxa jira hub fara badan oo laga qaadey Siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeedyo, kuwaas oo jabiyey amarkii Golaha Wasiirada ee ahaa in ay qaadan Karin wax ka weyn qori AK47 ah.

Degmooyin dhowr ah oo tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxa laga sameeyey howlgallo joogta ah, iyadoo la soo sheegayo in guullo la taaban karo laga gaarey dhamaan shaqooyinkii la qabtey.

Wadooyin ka Magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in laga reystey  Askartii tirada badneyd ee lagu arki jirey. Ama dadka qoryaha ku taagi jirtey marka ay maraayaan meelaha Cariiriga ah, waxa tallaabadaas ka mahadceliyey Shacabka oo ay u muuqato ifafaalo wanaagsan.

Dhinaca kale waxa weli magaalada hub ku dhex haaysta hogaamiye kooxeedyo iyo koox isku sheegtey inay yihiin Ganacsato, kuwaasoo bilaabey inay warbaahinta ka qeyla dhaamiyaan iyagoo kasoo horjeeda hanaanka xasilinta Caasimadda.

Ra’isalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqey in aan loo aabi yeelli doonin shakhsi kasta oo hub ku dhex haaysta magaalada Muqdisho islamarkaana laga dhigi doono hubka oo loo arko in uu sababayo amaan dari kasii jirta Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE