Wadooyinka Muqdisho Oo La Xirey Iyo Madaxweynaha Oo Lagu Wado In Fagaare Uu Kala Hadlo…

Amaanka Wadooyinka magaalada Caasimadda ah e Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyey, iyadoo la xirey inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ay isticmaali jireen Gaadiidka iyo dad weynaha.

Ciidamo si aad ah u feejigan ayaa la dhigey isgoysyada qaar halkaas oo ay diidayaan in la siticmaalo, waxaana Gaadiidka dadweyanaha maanata ay maraayaan wadooyin qarda jeex ah oo ku dhex yaalla xafadaaha, halka xaafadaha qaar loo diidanyahay in maro.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii maanta loo balamay in la qabto banaan bax weyn oo lagu taageeraayo waxqabadka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalaka ee Soomaaliya oo xafiiska sii jooga muddo ka badan 100 maalmood.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Shacabka Gobolka Banaadir uu kula hadlo Garoonka kubadda cagta ah ee Banaadir halkaas oo uu ka dhici doono dibad baxa ay dhigayaan shacabka Gobolka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE