Weeraro Loo Adeegsadey Mindi Iyo Baabuur Oo Ka Dhacey Magaalada London (Sawiro)

Weeraro Mindi iyo baabuur loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay magaalada London Cariga dalka Ingiriiska, kaasoo lagu dilay illaa todobo ruux, halka 30 ruux kalena lagu dilay. Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in weerarada ay ka kala dhaceen buundada mashquulka badan ee magaalada London iyo goob aan ka fogeyn.

Rag ku hubeysan mindiyo ayaa ka dambeeyay weerarkan, iyagoo dad rayid ah ku mindeeyay meel ku dhow buundada London. Xaalada magaalada London ayaa aheyd mid argagax iyo cabsi ah, iyadoo dadka ay ka cararayeen waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgelin doonaan mid argagixiso, iyadoo sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Ciidamada amaanka.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay goob masraxiyad ah oo ku taala magaalada Manchester, kaasoo lagu dilay illaa 22 ruux.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE