Dhageyso Falanqeyn Weeraradii Ka Dhacey Magaalada London, Iyo Waxa Uu Ka Bedeli Karo Xiriirka Bulshada

Toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarro ka dhacay magaalada London kuwaasi oo loo adeegsaday baabuur dadka la jiirsiiyey iyo toorriyo dadka lala dhacey,

Ku dhawaad 50 qof ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen weerarka, sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka, iyadoo dadka dhaawacmey la geeyey goobaha Caafimaad ee magaalada London. Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa weerarkan ku eedaysay Muslimiinta xagjirka.

Weerarrada ka dhacay London ee dhulka Ingiriiska ayaa yimid laba toddobaad uun kadib weerarkii ismiidamainta ahaa ee ka dhacay magaalada Manchester ee isla Engiriiska oo ay ku dhinteen 22 qof.

Haddaba warbixintan hoose ayaa lagu falanqeenayaa sidee loo arko weerraradan iyo waxa ay ka bedeli karaan xiriirka bulshooyinkaa?

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE