Dhageyso Warbxin Xoolihii Laga Dhacey Gobolka Shabeelada Hoose Oo La Geeyey Muqdisho Iyo Digniin Culus Oo Loo Jeediyey Kawaanleyda

Xoolo u badan Geel iyo Lo’ oo laga dhacey deegaano ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa la geeyey degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir si halkaas loogu kala iibsado.

Warar la helay ayaa sheegaya in dad Ganacsata ah ay qaateen xoolo aad u badan islamarkaana hadda ay ku haayaan defgmada Dharkeynleyd ee Gobolka Banaadir, si loogu beeciyo suuqyada Magaalada Muqdisho.

Aqoonyahan kasoo jeeda Shabeelada hoose ayaa ka digey in xiilahaas ay iibsadaan dadka kawaanleyd, waxa uu sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa xoolahaas laga soo dhacey Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE