Diyaarado Dagaal Oo Markale Duqeymo Ka Geystey Gobolka Jubada Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada dhexe ayaa ku waramaya in markale diyaarado ay la socdaan Ciidamo Cadaan ah ay duqeymo ka geyteen deegaano Jubbooyinka ka tirsan.

Deegaanno qiyaastii 60-65 kam u jira degmada Jilib ayaa wararku sheegayaan in diyaaraduhu duqeeyeen, halkaas oo xarumo iyo saldhigyo ay ku leeyihiin horjoogayaasha ugu sareeya Maleeshiyada Alshabaab.

Ilaa seddax diyaaradood oo kuwa Ciidamada xambaara ah ayaa duqeymihii labaad ku qaadey muddo 48 saac gudahooda deegaanka Weelmaarow oo ka tirsan degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Duqeymahan is daba jooga ah ayaan la ogeyn ilaa hadda khasaaraha ay geyteen iyo halka uu ahaa Bartilmaameedkooda, waxa jira warar hoose oo ku waramaya in Saraakiil isugu jirta ajaanib iyo kuwo Soomaali ah lagu bartilmaameedsadey duqeymaha.

Maleeshiyada alshabaab ayaa dadaal geliyey sidii ay u baajin lahaayeen helidda macluumaadka la xiriira duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha reer galbeedka, waxa inta badan hawada ka maqan isgaarsiinta deeganada ay ku socdaan duqeymaha.

Weli lama oga halka laga leeyahay diyaaradahan dagaal ee duqeymaha ku wada deegaanada Gobollada jubbooyinka, laakiin waxa la tuhunsanyahay in ay yihiin diyaarado Mareekan oo fariisimo ku leh Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE