Faafaahinno Kasoo Baxaya Weerar Qarax Ah Oo Ka Dhacey Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo  ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax xoogan oo geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana la weeraray ciidamo katirsan kuwa Jubbaland.

Qaraxa  ayaa loo adeegsaday bam gacmeed , waxaana ka dhasay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Saraakiil ka hadashey ayaa sheegey in Qaraxa uu geystay Khasaare u badan dhaawac, isa markaasna ay wali wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xariira qaraxan.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalo ka wada agagaarka saldhigga iyagoo baadi goobaya ragii ka dambeeyay bambada lagu soo tuuray saldhigga booliska magaalada kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah Maamulka Jubbaland ayaa amaankeeda bilooyinkii lasoo dhaafey si aad ah loo adkeeyey, iyadoo Ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay hantaan xaaladda amaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE