Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Magaalada Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu qorsheenayo in uu u safro magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa wararku tilmaamayaan in halkaas uu u gaari doono arimo kale duwan, waxa ugu horeeya sida aan heleyno sidii uu kulamo ula soo yeelan lahaa Maamulka Axmed Madoobe iyo dhiira gelinta Ciidamada Jubbaland oo qorsheenaya in dhawaan ay qaadaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Safarka Madaxweyanaha oo diyaar garowgiisa uu ka socdo Kismaayo ayaa lagu wadaa in maalinta berita ah uu u safro, wafdi hor dhac u ah Wafdiga Farmaajo ayaa maanta gaarey xarunta sida kumeel gaarka ah uu u degnyahay Maamulka Jubbaland.

Askar loo diyaarinayey soo dhaweynta Wafdiga Madaxwynaha oo maanta lagu diyaarinaayey saldhiga Kismaayo ayaa waxa lagu weeraray bam gacmeed dhaliyey khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hadii maalinta berita ah Madaxweynaha uu gaaro magalada Kismaayo ayaa wuxuu noqon doonaa safarkiisii seddaxaad oo uu ku tago magaalooyin ku yaalla Soomaaliya, waxa horey uu u gaarey magalooyinka Baydhaba iyo Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE