Xog Wax Badan Ka Ogow Sababta Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Maanta Loogu Diidey Inuu Ka Dhoofo Magaalada Hargeysa

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu la kulmay Is hortaag maanta ay ku sameeyeen Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Aqoonyahan Ismaaciil Buubaa ayaa waxa la sheegey in uu kusii jeeday Magaalada Nayroobi ee Caasimada Waddanka Kenya, Sababta loogu diiday inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa waxay aheyd isagoo watay Baasaboor Diblomaasi Soomaali Ah.

Prof Ismaaciil Buubaa ayaa mar wuxuu soo noqdey Wasiirkii Arimaha Dibada ee Soomaaliya, hase ahaatee waxa muddooyinkii dambe uu ahaa Xubin katirsan Xisbiga Waddani Ee SomaliLand.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE