Deg Deg Duqeymo Culus Oo Caawa Lagu Qaadey Gaadiid Ay La Socdeen Horjoogayaal Alshabaab Oo Ka Dhacdey Duleedka Janaale

Warar goor nasoo gaarey ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal duqeymo culus ay ku qaadeen deegaano hoos taga Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Duqeymaha oo dhacey Caawa fiidkii ayaa waxa lala bartilmaameedsadey Gaadiid dhowr ah oo ay wateen horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.

Ilaa seddax Gaari oo kala ah Caasi (Homey), Saarif iyo Gaari Qaraaba-goys ah ayaa lala helay Gantaallo ay soo tuureen diyaarado dagaal, duqeymahan ayaa ka dhacey deegaan lagu magacaabo Keli Xaanoole oo ku dhow deegaanka Abuutey oo qiyaas ahaan 20 km u jira degmada Janaale dhinca Waqooyi ee Gobolka Shabeelada hoose.

Gaadiidkan ayaa waxa la tuhunsanyahay in ay saarnaayeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab, gaar ahaan kuwa dhibaatada ugu badan ka geysanaya deegaanada Shabeelada hoose, Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in mid ka mid ah Gaadiidkan la duqeeyey uu saarnaa Horjoogaha Maleeshiyada Alshabaab ee degmada Janaale Ninka lagu magacaabo Xuseyn Xaaji.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE