Faafaahinno Kasoo Baxaya Duqeymo Culus Oo Lagu Qaadey Gaadiid Ay Wateen Maleeshiyada Alshabaab Oo Ka Dhacey Shabeelada Hoose

Duqeymo culus ayaa shalay gelinkii dambe lagu qaadey Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad isugu jira oo maraayey meel ku dhow deegaanka Nambar 60 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ilaa afar Gaadiid oo kala ahaa laba Caasi ah (Homey) iyo laba Rooneed oo maarey deegaanka Buula-naagey ayaa wararka aan heleyno ay sheegayaan in ay duqeeyeen diyaarado dagaal.

Duqeynta oo dhacdey xalay Fiidkii ayaa la sheegay in ay burburiyeen afarta Gaari oo kusii jeedey deeganada Bari, gaar ahaan Saldhigyo ku yaalla Deexda, halkaas oo xarumo ay ku dhuumaaleystaan Shabaabka lagu sheego.

Dadka ka ag dhawaa halka duqeytu ay ka dhacdey ayaa warbaahinta u sheegay in gaari ama Ciidan aanu ka badbaadin duqeyn dhacdey, oo ilaa 10 Gantaal oo nooca diyaaradaha ay tuuraan ah ayaa lagu ridey goobta sida ay soo sheegeen dadka, iyadoo si weyn loo maqlaayey jugta culus ee hubka.

Waxa la aaminsanyahay afarta Gaari oo kasoo baxdey dhinaca deegaanka Mubaarag ee Degmada Awdheegle ay saarnaayeen ku dhawaad Todobaatan isugu jirta Horjoogayaal iyo Maleeshiyo.

Saake ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwaMaamulka Nambar 50 ayaa aadey halka ay duqeyntu ka dhacdey, si loosoo xaqiijiyo tirada Meydad ee halkaasi ku halaagsantey iyo cadeymaha in gaadiidkaas ay saarnaayeen horjoogayaal.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE