Kooxo Hubeysan Oo Magaalada Muqdisho Ku Diley Nin Tima jare Ah

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay dil u geysteen Wiil dhalinyara ah oo Timajare ku lahaa Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa la sheeegayaa in ay dileen kooxo ku hubeysan Bistoolado kuwaas oo markii ay dilka Geysteen ka dib isaga baxsadey goobta ay falka ka fuliyeen, iyagoo si nabad ah ku baxsadey.

Maraxuumka oo lagu magacaabo Xuseyn Xasan Maxamud ayaa sida la sheegey si weyn loogu garaanaayey Isgoyska Sanca oo uu kulahaa Meharad Timajare ah, waxaana halkaas maanta ku toogtey dabley Bistoolad ku hubeysan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa caada ka ah dilalka joogta ah ee lagula kaco dadka Shacabka ee xooggooda ku shaqeysta iyo dadka kale ee Dowladda u shaqeeya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE