Sarkaal Xiriir Dhow La Leh Kooxda Alshabaab Iyo Ciidan Uu Wato Oo Lasoo Dejiyey Xerada Laanta-buuro Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Abaanduulaha Ciidamada Milateriga ee dowladda Fedaraalka Cabdulaahi Cali Caanood oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta Ciidamo soo dejiyey Xerada Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ciidamadan cusub ayaa ka tirsan Guuto Seddaxaad oo lagu xasuusto gabood falladii ay kula kacdey Shacabka Shabeelada hoose, waxaana taliye u ah nin lagu magacaabo Liibaan Dhawaaq oo kasoo jeeda Gobalada dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ilaa seddax Gaari oo nooca dagaalka uu wato Liibaan Dhawaaq, waxaana ku wehiya Sarkaal kale oo lagu magacaabo Maxamed Shacbaan oo kasoo jeeda deegaanka Toora-toorow ee GobolkaoShabeelada hoose.

Liibaan Dhawaaq ayaa sida aan ku helnay warbixinno wuxuu horey u deganaa Xerada Laant-buuro hase ahaatee is faham dhex marey isaga iyo horjoogayaal ay isku beel yihiin oo ka tirsan Alshabaab ayuu xerada ugu Gacan galiyey hub iyo Saanad halkaa tiileyna lagu qaatey.

Maxamed Shacbaan oo saaxiibo dhow ay yihiin Xasan Jaamici ayaa lagu xasuusta  inuu mar ku dhaawacmey dagaal culus oo dhacey inta u dhaxeysa Deegaanada Buufow-bacaad iyo Ceelwareegow, xilligaas ayuu ka barbar dagaalamayey Mooryaan Habar gidir ah iyo calooshooda u shaqeystayaal isaga uu hogaaminayey

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE