Sawiro Xul Ah Booqashadii Madaxweyne Farmaajo Maanta Uu Ku Tagey Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha, oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka ah, Xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE