Dhageyso Haweeney Gabadheeda Lagu Haaysto Liibiya Iyo Magefe-yaasha Afduubtey Sheekada Xanuunka Badan Ee Dhex Martey

Nimco Suldaan Cabdiraxmaan oo ah haweeney ku dhaqan Xeryaha Dhadhaaba ee dalka Kenya ayaa waxa si dhuumasha ah kaga baxsatey Gabar ay dhashay oo tahriib ku tagtey dalka Liibiyaa, taas oo markii dambe u gacan gashey kooxaha dadka Afduubta ee lagu magacaabo Magefe.

Gabadha baxsatey oo lagu magacaabo Sumeeyo Jaamac Keena-diid ayaa kusoo kortey xaaladda agoonnima ah hase ahaatee, iyadoo fara maran ayey u gashey Magefe iyo kooxdiisa qowleysatada ah ee dalka Liibiya ku sugan.

Maama Nimco oo Gabadheeda loo heysto lacag dhan $8500, ayaa laga duubey cod iyadoo la hadleysa Mid ka mid ah Magefeyaasha, waxaana dhex martey sheeko xanuun badan.

Intaasi ka dib ayaa Maamada waxa loogu dhiibay Gabadheeda oo Xabsiga ugu jirta kooxaha manaxayaasha ah, waxa ay si xanuun badan ay uga sheekeysay xaaladda adag ee ku haaysata xabsiga. intaasi ka dib ayaa Maamada waxay fariin u dirtey guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE