Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Oo War Kasoo Saartey Kihlaaf U Dhaxeeya Wadamada Khaliijka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dwladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE