Kooxo Hubeysan Oo Caawa Toogtey Gudoomiyihii Ururka Haweenka Ee Degmada Diinsoor

Wararka laga helaayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Caawa halkaas lagu toogtey Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Diinsoor.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa Haweeneyda oo lagu magacaabo Yareey Maxamed Garweyne ku toogtey Gurigeeda, ka dib markii ay gudaha ugu galeen, markii ay dilka u geysteen Haweeneyda ayaa kooxaha hubeysan ay ka baxsadeen goobta.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahin Maxamed Nuur oo la hadley Warbaahinta ayaa xaqiijiyey dilka Gudoomiyaha Ururka Haweenka, waxaana uu sheegey in ay ku daba joogaan kooxaha dilka ka dambeeyey.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatey dilka Marxuumada Yareey Maxamed Garweyne, dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo degmada Diinsoor ay ka mid tahay degmooyinka ugu xasiloon Gobolka Baay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE