Madaxweynaha Turkiga Oo Is Garab Taagey Dalka Qatar, Dadaalada Kuwait Oo Fashil Ku Dhow Iyo Midowgii Khaliijka Oo Loo Baqey

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kasoo horjeedo xayiraada ay dalalka khaliijka saareen Qatar. Wuxuuna sheegay in uu garab taagan yahay Qatar isla markaana sii xoojin doonaan xiriirka ka dhaxeeya Turkey iyo Qatar.

Amiirka Kuwait oo wada dadaal uu ku dhex dhexaadinayo Qatar iyo Sacuudiga ayaa booqasho ku tagay Riyad ayaa dalkiisa dib ugu noqday. Balse weli ma muuqato wax isu soo dhawaansho ah ee Sacuudiga iyo Qatar oo weli mid waliba ku adkeysanaya go’aanadooda.

Dalalka Kuwait iyo Cumaan oo xubno ka ah ururka Khaliijka ee GCC ayaa ka cabsi qaba in xiisadan ay keento inuu gebi ahaan burburo urur gobaleedkaasi GCC.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaguna bartiisa Twitterka ku qoray hadalo lagu taageerayo Sacuudiga, isla markaana lagu cambaareenayo dalka Qatar oo uu sheegay inay farta kuwada fiiqeen dalalka jaarka la ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE