Madaxweyne Farmaajo Oo Maqaayad Ku Talla Magaalada Kismaayo Kula Shaahey Shacab U Badan Dhalinyaro (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa fiidnimadii xaley ku dhex lugeeyey magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kula kulmay shacab badan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wehlinayey madaxweyne Farmaajo, waxaana shacabka ay kula sheeheen madaalada Kismaayo iyagoo halkaas isku xog wareystey.

Dhalinyarada uu Madaxweynuhu sheekada la wadaagey ayaa su’aalo weydiinaayey la xiriira nabadgelyada iyo shaqo la’aanta, Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka codsadey in ay taageeraan dowladdda kana hor yimaadaan fikirada xagjirka ah ee nabadda wax u dhimaya.

Waa safarkii u horeysey ee Madaxweynuhu Kismaayo ku tago tan iyo markii loo doortey xafiiska Madaxweynaha, waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu maanta oo Arbaca dib ugu laabto Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE