Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland Oo Maanta La Dhaariyey (Sawiro)

Xaflad maanta lagu qabtey magaalada Garowe ee Maamul GoboleedkaoPuntland ayaa waxa lagu dhaariyey qaar ka mid ah Wasiirada dhawaan uu magacaabey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda dhaarinta Wasiirada oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ka mid ah Wsiirada la dhaariyey, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo Mas’uuliyiin Puntland ayaa ka qeyb galey xafladda lagu qabtey Madaxtooyada Puntland ee lagu dhaarinaayey Wasiirada dhawaan uu magacaabey Madaxweynaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE