Weerar Hubeysan Oo Lagu Qaadey Xarunta Baarlamaanka Ee Dalka Iiraan

War lagu faafiyey Wakaaladda Wararka IRIB ayaa ku waramaya in kooxobhubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta Baarlamaanka dalka Iiraan iyo Mausoleum of Ayatollah Khomeini oo ku taalla magaalada Tehran.

Hal qof oo hubeysan ayaa weerarey xarunta Baarlamaanka, waxaana wakaaladda ay warisey in ninka hubyeysan uu gudaha u galey xarunta, halkaas oo uu ku dhaawacey siddeed qof.

Ciidamada Amaanka oo la wareegey Xarunta la weerarey ayaa baadi goob ugu jira ninka hubeysan ee weerarka fuliyey, kaas oo la aaminsanyahay inuu weli ku dhex dhuumanayo Shacabka dhexdiisa.

Dadka lagu dhaawacey xarunta gudaheeda ayaa waxa ku jira shaqaale ka tirsan Baarlamaanka magaalladda Tehran ee caasimadda dalkaasi Iran. Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaannada ayaa la sheegay in ay ka badbaadeen weerarka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE