Faafaahinno Kasoo Baxaya Dagaal Culus Oo Ka Dhacey Duleedka Magaalada Boosaaso

Maleeshiyaadka ururka Al-shabaab  ayaa xili hore oo saaka weerar ku qaaday  saldhig Ciidamada Daraawiishtu Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-urur oo ee gobolka bari ee Puntland

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka sanaag Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa VOA  u Xaqiijiyay in weerarka  ay  saldhiga ku soo qaadeen ururka alshabaab, uuna socda muddo Labo Saacaadood ah.

Taliyaha wuxuu sheegay in  rasaas googoos ay ka dhacayso degaankaasi,  oo ciidamaduna ay iska difaaceen kooxdii weerarka soo qaaday , waxaana uu sheegay inay go’an tahay isgaarsiinta degaanka.

Dowlada Puntland weli kama hadlin dagaalkaasi, Mana jiro warar faahfaahsan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE