Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Shir Gudoomiyey Kulan Looga Hadlaayey Amniga Caasimadda (Sawiro)

Gudooniyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka qey galey shir looga hadlaayey arimaha amaanka ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqisho.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha laamaha amaanka iyo xubnaha ku jira Gudiga amniga oo uu shir gudoominayey Gudoomiye Taabit ayaa lagu soo dhaweeyey arimaha xasilinta Caasimadda oo maalmihii lasoo dhaafey ay wadeen Ciidamada isku dhafka ee xasilinta amniga.

Taliyeyaasha Shirka ka qeyb galey ayaa soo bandhigey ajandayaal cusub oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana ajandayaashaas isla gartey dhamaan ka qeyb galayaasha Shirka Gudiga amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa noqday Guddoomiyihii u horeeyay ee la hoos-keeno Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo hada xubin ka ah Golaha Amniga Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho oo ay weli ay ka socdaan howgallo amni xaqiijin ah islamarkaana la aruuriyey hubkii sharci darada ahaa ee magaalada dhex yaacayey ayaa weli waxaan lagu guuleysan yareynta dilalka qorsheysan ee habeen iyo maalin lagu beegsado dad aan  shaqa ku laheyn siyaasadda dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE