Guryo Ku Yaalla Deegaanka Busley Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Dab La Qabadsiiyey

Wararka ka imaanayo deegaanka Busley Daauud oo ku yaalla duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maanta halkaas lagu gubey Guryo badan oo ay lahaayeen dadka halkaasi ku dhaqan.

Maleeshiyaad Alshabaab ah oo fulinaya balan ay horey ula galeen Mooryaanta xoogga ku haaysta Beeraha shacabka Shabeelada hoose ayaa dab qabad siiyey Guryahan badan oo ay ku noolaayeen qoysas danyar oo beeraleey ah.

Ku dhawaad 70 Guri oo ka sameysnaa dhis iyo laamayeeri ayaa Maleeshiyada Alshabaab oo fulinaya balamaha Mooryaanta ay dab qabad siiyeen, waxaana halkaas ku basbeeley Guyraha Shacabka Masaakiinta lahaayeen.

Warar aan helnay ayaa ku waramaya in guryaha la gubey uu ku jiro Guriga Horjooge Xuseen Xaaji oo ah horjoogaha Alshabaab ee degmada Janaale kaas oo la aaminsanaa in uu ku jirey Maleeshiyaad haweeno ka hor lagu duqeeyey deegaanka Abuutey hase ahaatee markii dambe la xaqiijyey in uu ka badbaadey.

Deegaanka Busley oo Waqooyi kaga beegan degmada Janaale ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ku dhexyaallo bartamaha Beeraha Aseendooyinka gobolka, waxaana horey uga dhacay dagaallo dhiig badan uu ku daatey oo u dhexeeyey Shacabka deegaanka iyo mooryaanta beeraha xoogga ku qabsatay, waxaana halkaasi ku yaalla Beero badan oo ay ilaa hadda xoog ku haystaan Mooryaanta Goboolada dhexe ka timid ee hadda isbaheysi cusub la galay Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE