Hal-hayskii Iyo Halku-Dhigyadii Deelleyda…. Diyaariye Sakariye Yuusuf Cigaal

Deelley waxay ahayd silsilad-sugaaneed caan baxday oo ka bilaabmatay gudaha waddanka somaliyeed, taariikh ahaanna waxay aloosantay sannadkii 1979-kii.

Waa silsilad laga warqabo mahadhadii iyo halgankii ay horseeday,waxaana ka qayb qaatay hal-abuuro kor udhaafaya konton.

Deelley waxay ka kooban tahay 67 maanso oo bulshada somaliyeed aad udhagaysatay, una jeelqabto hadda iyo hadhowba.

Xiisaha loo qabo deelley waxa uu horseeday in halku dhagyo caanbaxa lagala baxo silsiladan,waxana ka mid ah hal-hayska lagala hadhay:

Allow yaa ku dooxoo,

Haddana aan ku dilinoo,

Waxaad damacsantee kale,

Dibadda ula soo baxa.

Cabdi iidaan faarax

Ninka diirta koriyee,

Ku dhex beeray doogee,

Dabar gooyey cuudkoow

Danyar wey ku aragtaa

Ma dadkaad indhaha qaban?

Aadan tarabbi jaamac

Dawlad iyo qabiilona,

Maba kala dabqataan,

Mana wada degnadaan,

Ninkaad doontidba ugee.

Maxamed aadan dacar

Nimaan duunyo dhaqan karin,

Digaag xoolo ka lahayn,

Yuu ku odhan dadweynaha,

Fardaan daajin jiray beri.

Maxamed nuur shareeco

In qabiilku daxal yahay,

Darxumiyo abaar yahay,

Qarankana udaran yahay,

Dib udhaca ka kow yahay,

Ninka diiday waa kuma?.

Cismaan aadan “askari”

Haddaan dayro dhaafyada,

Dhaxantiyo dabaylaha,

Dugsi meel leh kugu xidho,

Dabro weerar weeyee,

Dirirtiyo colaadaha,

Marka dooyo loo baxo,

Ma dagaalamaysaa?.

Cabdi qaadir xirsi yamyam

Ninkii dabin libaax dhigay,

Duur lagu aqoon jiray,

Daf utidhi sakaaradu,

Markuu soo dul joogsaday,

Wuxu yidhi:umaba daban.

Cabdi cali weyd.

Habartii docdeediyo,

Degelkay ku noolayd,

Daruuruhu ku hooreen,

Dadba wada hel moodoo

Daad-wararac bay tidhi.

Cabdi iidaan faarax

Diyaarin: sakariye yuusuf cigaal

Raadraac: diiwaanka deelley saadaal rumowday.boobe yuusuf ducaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE