Khasaaraha Ka Dhashey Dagaal Culus Oo Buuraha Golis Ku Dhexmarey Ciidamada Puntland Iyo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab

Subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ayaa dagaal abaabulan oo aad u xoogan waxaa ku soo qaadey ciidanka Puntland Malayshiyaadka Kooxda al-Shabaab ee ka dagaama buuraha Golis.

Dagaalka ayey la beegsadeen guuto ciidanka Puntland ka tirsan oo uu taliye u yahay Col. Cabdullaahi Cumar Canshuur oo ku sugneyd tuulada Af-urur oo kamid ah waddooyinka laga galo buuraha sil-siladda Golis, waxaana ay qiyaastii 80km dhanka Koonfur uga beegan tahay magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa ah mid aad u kulul, waxaana warar madaxbanaan sheegayaan in al-Shabaab ay u suurta gashey in ay gudaha u galaan tuulada oo qabsadaan, waxaana ay ku dileen dad faro badan, waxaa wararku sheegayaan in xitaa ay dileen haween ku sugnaa tuulada.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u xaqiijiyey in Kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen deegaanka Af-urur.

War ay soo saareen horjoogayaasha Alshabaab ayey ku sheegeen in weerarkii sake ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxa kaloo ay xaqiijiyeen magacyada saraakiil ay ku dileen weerarka maanta.

Saraakiisha ay magacaabeen ayaa waxa ka mid ah

1-Taliyihii ciidamada Saldhiga Af-urur oo magaciisa lagu sheegay Sangal.

2-Cabdi Biriq oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Saldhiga la weeraray.

3-Axmad Jicif oo ahaa Oday dhaqameed ka tirsan dadka deegaanka oo ciidamada maamulka kala shaqeynaayay weerarada lagu qaadayo Kooxda, sida ay Shabaab sheegen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE