Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhaba

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa sida warbxinta aan ku heleyno waxa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Ibraahim Aadan Cali Najax iyo tiro ka mid ah Wasiirada Maamulka Koonfur galbeed.

Ujeedada Safarka Magaalada Baraawe ayaa warar kala duwan ay kasoo baxaayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in halkaas Madaxweynaha uu u gaari doono sidii loo qiimeyn lahaa dhismaha Garoonka diyaaradaha ee degmada oo dhawaan la filayo in la dayactiro.

Sidoo kale warar ayaa jira oo sheegaya in Hogaamiyaha K/galbeed uu halkaas u gaari doono xalin khilaafaad u dhaxeeya laba beelood oo ka mid ah kuwa Gobolka dega oo saluugsan Odayaal dhaqmeed uu sameystey Shariif kuwaas oo aan wax kalsooni ah ka haaysan Beelaha ay kasoo jeeda.

Magaalada Baraawe  ee Gobolka Shabeelada ayaa ku magacaaban Magaallo Madaxda Maamulka K/galbeed hase ahaatee dayaca Maamulka uu magaalada ku sameeyey ayaa sababey in ay bahal galeen u noqoto Maleeshiyaad kasoo jeeda Gobolada Shabeelada dhexe iyo Galguduud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE