Shan Qof Oo Lagu Diley Gaari Sidey Khudaar Oo Lagu Rasaaseeyey Deegaanka Xawaadley Ee Gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka laga helaayo deeegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku waramaya in halkaas xalay saqdii dhexe lagu rasaaseeyey Gaari nooca xamuulka qaada ah oo lagu soo rarey Khudaar.

Gaariga oo kusii jeedey Magaalada Muqdisho ayaa waxa rasaas ku furey dabley hubeysan, waxa halkaas ku geeriyootey shan qof oo seddax ka mid ah ay yihiin dad Shacab ah oo Gaariga saarnaa, halka ay ku jiraan dadka dhintey Darawalkii gaariga iyo Kirisboygiisa.

Gaadiidka Khudaarta qaada ee ka shaqeeya Shabeelada dhexe ayaa intooda badan shaqeeya xilliyada habeenkii, hase ahaatee lama oga ujeedada ka dambeysa weerarkan lagu qaadey  Gaariga khudaarta, iyadoo ay baxsadeen dableydii wax weerartey.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxey Maamulka Gobolka Shabeelada dhexe iyo kan degmada Balcad ee ku saabsan dhacdadan lagu laayey Shacab saarnaa Gaari Xamuul oo khudaar u wadey magaalada Muqdisho.

Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa horey uga jirey dagaallo ku saleysan hab beeleed oo in mudda ah soo socdey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE