Deeq Lacageed Oo Lasoo Marsiiyey Maamulka Nambar 50 Oo Loo Qeybiyey Dadka Danyar Ah (Sawiro)

Qoysas dan yar ah oo ku dhaqan duleedka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa la gaarsiiyey deeq lacageed oo ka timid dad Muxsiniin ah ayaa waxa loosoo marsiiyey Maamulka deegaanka.

Deeqdan lacagta ah ayaa waxa xaafadahooda loogu geeyey dad dan yar oo qaarkood Xanuun la jiifa Sariirahooda, waxaana ay aad ugu farxeen deeqda bixinteeda loo wakiishey Maamulka.

Dad kala duwan oo muxsiniin ah ayaa deeq u badan lacago usoo dhiibaayey Maamulka Nambar 50 si loo gaasriiyo qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan duleedka Nambar 50, kuwaas oo guryahooda ay si qasab ah uga barakiciyeen Maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE