Dhageyso Shacabka Shabeelada Hoose “Alshabaab ayaa Guryaha Naga Gubtey Xoolihi Naga Dhacdey, Waxay Noo Diideen In Beeraheenna Aan Tabcano”

Mid ka mid ah dadkii ka barakacey deegaanka Busley Daa’uud ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa warbaahintagudaha uga waramey dhibaatada Maleeshiyada Alshabaab ay u geystey dadka deegaanka.

Waxa uu sheegey in la gubey Gurya badan oo ku yaalla Shabeelada hoose islamarkaana la dhacey xoolihii ay dhaqan jireen dadka ku noolaa tuulooyinka iyo deegaanada hoos taga Degmooyinka Marka iyo Janaale.

Dhinaca kale waxa uu faafaahin ka bixiyey barakaca xoogga leh ee asameeyeen Shacabka xoolaha lagaodhacey islamarkaana la gubey Guryihiin ay ku nooleeyeen, kuwaas oo galey Magaalada Muqdisho qaarkoodna haddda ay joogaanaoMarko.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE