Dowladda Qatar Oo War Culus Kasoo Saartey Liis Kasoo Xulafada Sacuudiga Oo Lagu Soo Bandhigey Shakhsiyaad Iyo Ururo Lagu Eedeeyey Argagaxiso

Dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraatiga ayaa khamiistii shalay soo saaray Diiwaanka ama liiska shaqsiyaada iyo kooxo ay sheegeen inay xiriir laleeyihiin argagaxisada kuwaasi oo xiriir laleh dowlada Qatar.

Diiwaankan ay soo bandhigeen xulafada Sacuudiga ayaa waxaa ku jira 59 qof iyo 12 urur oo la sheegay inay xiriir laleeyihiin ama maalgeliyaan kooxo argagaxiso ah.

Dadka liiskan ku jira waxaa kamid ah wadaadka caanka ah ee Yusuf Al Qardaawi oo isagu kunool dalka Qatar. Al Qardaawi wuxuu leeyahay urur samafal ah oo ay maalgeliso dowlada Qatar.

Shaqsiyaadka xayiraada la saaray ayaa waxaa ku jira 18 qof oo kasoo jeeda dalka Qatar kuwaasi oo ay ku jiraan ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo waliba qaar kamid ah qoyska Boqortooyada Qatar.

Liiska Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey ururada Carabta ee u dooda Xuquuqul insaanka ee loo yaqaan (AOHR).

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa maanta oo Jimce ah looga jawaabay xayiraada Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ay saareen shaqsiyaadka iyo ururada xiriirka laleh Qatar.

Qatar ayaa sheegtay in diiwaankan ay soo saareen xulafada Sacuudiga ay markale muujineyso inay wax sal iyo raad ah aysan lahayn eedeyntooda ah in arrintan wax xiriir ah laleedahay argagaxisada, balse dalalkaasi doonayaan inay caburiyaan dadka kasoo horjeedo siyaasadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE