Horjooge Ka Tirsan Alshabaab Oo Degmada Janaale Ugu Dhashey Cunug Mucjisa Ah (Warbxin)

Warar aan ka helnay degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu ku dhashey Cunug lagu tilmaamey Mucjiso Rabaani ah taas in badan oo dadka ka mid ah ay la yaabeen.

Maalinnimadii shalay ayaa haweeney Uur leh ay qabatey Fooshi dhalmada, waxa inta badan deegaanada dhoobeyda dhaqan ka ah in Haweenka foolanaya ay Umuliyaan Umuliso dhaqameed deegaanka, ah iyadoo ay yar yihiin goobaha Caafimaad ee lagu Umulo.

Haweeneyda Umushey oo lagu magacaabo Faadumo Yoonis Baarow ayaa dhashey Cunug Mucjiso ah, oo ay la tacajibeen dadkii goob joog ahaa halkii ay ku foolaneysey iyo dadkii kale  booqashada ugu tagey.

Sida ay noo sheegeen dadka Cunugaasi Arkey qeybaha sare ee Jirka ayaa waxa uu ka yahay Eey halka qeybaha hoose uu ka yahay qof Bina aadan ah, waxaa ilaa hadda cunugaas mucjisada ah lagu haayaa Guri ku yalla degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Cunugaasi dhashey ayaa waxa aabe u ah dhagar qabe lagu magacaabo Cabdiqaar Shabeelow oo ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab, waxaana ninkaas lagu sheegey ninkii hogaaminayey weerar guryo badan lagu gubey oo ka dhacey duleedka Degmada Janaale.

Markacdey.com ayaa dadaal badan ku bixisey sidii Cunugaasi Mucjisada ah looga heli lahaa Sawiro si loo baahiyo Imtixaanka qabsadey Mid ka mid ah Askarta Alshabaab ayaa noo suuragelin, maadaama deegaanka ay gacanta ku hayaan Alshabaab, waxa aad u adkaatey sidii loo heli lahaa Sawirada.

Waa dhacdadii ugu horeysay inta la ogyahay oo ka dhacda Shabeelada hoose, hase ahaatee waxa Mucjisooyinkan Culimadu ay ku sheegeen kuwo lagu tusaayo awoodda Alla Kooxaha wata magaca Diinta ee caadeystey dhaca iyo Boobka Masaakiinta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE