Madaxweynaha Puntland Oo Si Adag Uga Hadley Dagaalkii Af-urur, Baaqna U Direy Dowladda Fedaraalka Iyo Beesha Caalamka (Video)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe 24-saac kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas oo hadal kooban warbaahinta halkaasi ku siiyay, ayaa ku baaqey dagaal ka dhan ah oo Puntland la galeyso Kooxaha Alshabaab iyo Daacish islamarkaana looga sifayn doonaan deegaanada ay maamulaan.

Dr Gaas ayaa ayaa ugu qaadey dowladda fedaraalka iyo Beesha caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee Saldhigyada ku leh deegaanada ee Maamul Goboleedka Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE