Xildhibaano Kasoo Jeeda Beesha Biimaal Oo Lagu Wado Inay Booqdaan Magaalada Marka Iyo Deegaano Kale

Xildhibaano ka tirsan dowladda fedaraalka iyo Maamul Goboleedka K/galbeed ayaa lagu wadaa in maalinta berita ah ay safar ku gaareen deegaano badan oo ka tirsan Shabeelada hoose.

Xildhibaanada oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulaahi Cumar Abshir Awyare ayaa waxa ka mid ah Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali, Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji, Iyo Xildhibaan Xuseen Macallimuu oo ka tirsan Xildhibaanada Maamul Goboleedka K/galbeed.

Warbixin aan helney ayaa sheegeysa in Xildhibaanada booqan doona qeybo ka mid ah Shabeelada hoose uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo siyaasadda Gobolka Shabeelada hoose Xasan Abuukar Jimcaalle (Xasan Shiino).

Ujeedada ka dambeysa in Xildhibaandan ay soo gaaraan Shabeelada hoose ayaa lagu sheegey sidii deeq raashiin ah ay u gaarsiin lahaayeen dadka barakacayaasha ah ee ka qaxey dhibaatada Alshabaab ay ku haayso Shacabka.

Xildhibaanada ayaa socdaalkooda kusoo gaari doona ilaa magaalada Marka, iyagoo booqan doona xerooyinka ay ku dhaqanyihiin Barakacayaasha, iyagoo ka xog wareysan doona dhibaatada ay qabaan iyo dalabka ay u gudbinayaan dowladda dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE