Deg Deg Howlgallo Culus Oo Ka Socda Shabeelada Hoose Iyo Dhowr Degmo Oo Lagala Wareegey Alshabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in saake howgallo culus uu ka socdo degmooyin ka tirsan Gobolka, howgalladaas oo lagula dagaalamyo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Milateriga Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaadey degmooyinka kala ah Bariire, Janaale, deegaanada Sabiid iyo Caanoole iyo deegaano hoos taga degmada Awdheegle ee Shabeelada hoose.

Deegaanada la weerarey ayaa waxa gacanta ku haaya Maleeshiyada Kooxda Alshabaab, ujeedada loo weerarey ayaa waxa lagu sheegey sidii loo xaqiijin lahaa amaanka degmooyin iyo deegaano dhowr ah  oo ku yaala Gobolka Shabeelada hoose.

Aroornimadii Saake ayaa Ciidamada isgarabsanaya ay la wareegeen Saldhigyada Janaale iyo Bariire, iyagoo baaritaan ka wada xaafado ku yaalla degmooyinkaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE