Maamulka Hirshabelle Oo Kala Direy Maamulkii Gobolka Hiiraan, Maamul Cusubna Magacaabay

Wareegto kasoo baxdey Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa lagu kala direy Maamulkii ka jirey Gobolka Hiaaran, waana la magacaabay Maamul Cusub oo bedelaya Maamulkii hore.

Cali  Cabdilaahi Cosoble ayaa Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan u magacaabay Cumar Aadan Deeqoow ‘’Baadiyoow’’ iyadoo xilka laga qaaday Cali Jeynte Cismaan.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow ‘’Baadiyoow’’

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha amniga ayaa loo magacaabay Maslax Maxamed Cismaan, guddoomiye ku-xigeenka maamulka ayaa loo magacaabay C/rashiid Sheekh Cali, guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Qaalid Bashiir Cali, guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ayaa loo magacaabay Sheekh Xusseen Cismaan Cali, halka xog-hayaha gobolka loo magacaabay C/dulle Nuur Guure.

Dhinaca kale Maamulka Hirshabelle ayaa magacaabay Maamulka Magaalada Beledweyne, Guddoomiyaha Beledweyne ayaa waxa loo magacaabay Aadan Axmed Xeefoow, halka duqa degmada Beledweyne loo magacaabay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo horay u soo noqday taliyihii ciidamada booliiska ee saldhiga Beledweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE