Wararkii Ugu Dambeeyey Duqeymo Cir Iyo Dhul Ah Oo Lagu Qaadey Deegaano Ka Tirsan Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno deegaano ku yaala Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in howlgallo culus ay wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Ciidamada midowga afrika ee AMISOM.

Howlgallada oo la qaadey saake aroortii ayaa Ciidamada is garabsanaya waxay la wareegeen degmooyinka kala ah Awdheegle, Bariire, Janaale, Sabiid, Caanoole iyo kuwo kale oo ay maamulayeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Deeganada qaar ayaa waxa ka socda dagaal culus oo dhex maraya Ciidamada xooga dalka iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kooxda Alshabaab, warar aan helnay ayaa ku waramaya in Ciidamada AMISOM ay adeegsanayaan rasaas culus oo laga rido Taagiyada ay wataan.

Deegaanada ku xeeran degmada Janaale ayaa wararku tilmaamayaan in lagu qaadey duqeymo diyaaradeed oo lala beegsadey saldhigyo iyo xarrumo ay maamulaan Alshabaab, hase ahaatee lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashey.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa hadii alla idmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE