Deegaanka Abuutey Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Maanta La Gubey

Koox ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaan maanta gubey deegaanka Abaatey oo ka tirsan deeganada duleedka ka xiga degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Tiro Maleeshiyaad ah oo Shabab ka tirsan ayaa saake aroortii ku jarmaadey Deegaanka Abuutey oo ay degenyihiin dad xoola dhaqata ah, waxaana dab la qabad siiyey dhamaan guryihii ku yiiley deegaanka.

Dadka Shacabaka ee ku dhaqan deega ayaa loo diidey in ay baxsadaan agabkii guryaha u yiiley iyo wixii hanti aheyd oo ay haaysteen, waxaana dadkaas saacadahan ay ku hoy la’yihiin halkii ay ku lahaayeen Guryaha.

Deegaanka Abuutey oo ka mid ahaa deeganada ay ku xooganaayeen isbaheysiga Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta Habargidir, ayaa waxaa bilooyinkii lasoo dhaafey Shacabka si qasab ah loogu qaadi jirey hantida ay lahaayeen.

Tuulooyin kor u dhaafaya ilaa 50 Tuullo oo ku yaalla inta u dhaxeysa Janaale iyo Awdheegle oo dhinaca Bari ku yaalla ayaa la gubey guryihii ku yiilley halka la dhaey xoolihii ay dhaqan jireen dadka halkaasi ku dhaqan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE