Dhageyso Col Maxamed Ciise Oo Faafaahin Ka Bixiyey Howlgalladii Shalay Lagu Qaadey Degmooyin Ka Tirsan Shabeelada Hoose

Col Maxamed Ciise Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Fedaraalka, ahna Afahayeenka Milateriga Shabeelada hoose ayaa waxa uu faafaahin ka bixiyey howlgalladii shaley lagu qaadey degmooyin iyo deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Afahayeenka ayaa marka hore sheegey in ay kala Ceyrsadeen Maleeshiyadii Shabaab ee ku sugnaa degmooyinka kala ah Bariire, Janaale iyo Awdheegle, waxaana uu sheegey in howlgalka uu kusoo dhaamdey sidii ay qorsha u dejiyeen.

Dadka ku haqan deegaanadaas ayuu sheegey in ay yihiin la heystayaal gacanta ugu jira Maleeshiyada Alshabaab, hase ahaa waxa uu ka dhawaajiyey in dhawaan dadkaasi Shacabka ah laga dul qaadi doono dulmiga Alshabaab.

Shacabka ayuu uga digey inay ku dhawaadaan goobaha ay ku suganyihiin horjoogayaasha Alshabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidamada xoogga dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE