Faafaahinno Kasoo Baxaya Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyey Deegaanka Tooratoorow Ee Gobolka Shabeelada hoose

Wararka laga helaayo deegaanka Tuuratoorow ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu qaadey duqymo xagga Cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado la aaminsanyahay in laga leeyahay dalalka Reer Galbeedka.

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadeen weerar xagga Cirka ah oo ka fuliyeen Saldhigyo iyo xarumo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Alshabaab ah, kuwaas oo ka cararey dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacey Awdheegle iyo Bariire.

Dad ku sugan deegaanka Bariire ayaa sheegey in ay maqlayeen jugta culus ee Gantaalada laga ridaayey diyaaradaha, hase ahaatee aaney xaqiijijn karin khasaaraha ka dhashey iyo halka uu ahaa bartilmaameedka.

War laga soo xigtey dad reer Baadiyeyaal ah oo xoolo ku haysta meel ku dhow Tooratoorow ayaa sheegey in ay saake arkayeen Gaadiid badan oo ay leeyihiin Alshabaab oo kuwa dagaalka ah oo kusii qulqulayey halka ay ka dhaceen duqeymaha.

Ilaa ahdda lama oga khasaaraha ka dhashey duqeymihii xaley lagu qaadey xarumaha Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka Tooratoorow, hase ahaatee waxa la tuhunsanyahay in ay jiraan khasaarooyin kala duwan.

Deegaano ka triran Shabeelada hoose ayaa waxa ka socdo howlgallo cir iyo dhul ah oo ay wadaan Ciidamada Soomaaliya iyo Saaxiibadooda, waxaana shaley ugu dambeeyey Alshabaab lagula dagaamay degmooyin ka tirsan Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE