Maamulka Nambar 50 Oo Raashiin Gargaar Ah Ka Gudoomey Wafdi Uu Hogaaminayey Wasiirka Ku Xigeenka Kalluumeysiga Cabdulaahi Awyare (Sawiro)

Wafdi ka socda dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa Maanta Raashiin gar gaar ah soo gaarsiiyey degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose, halkaas oo ay ku dhibaateysan yihiin dad barakacayaal ah oo ka qaxey dhibaatada Maleeshiyada Alshabaab ay ka wado deegaanka.

Raashiinka gar gaarka ee ay wadeen Wafdiga uu hogaamianyey Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Awyare ayaa waxa lagu wareejiyey Maamulka Nambar 50, si ay ugu qeybiyaan dadka barakacayaasha ah ee loogu talagalay.

Raashiinka gargaar ee loogu talagalay barakacayaasha ayaa waxa soo dhiibtey dowladda fedaraalka ee Soomaaliya, waxaana loogu talagaley sida warbixinta aan ku heleyno degmooyinka Nambar 50 iyo Marka oo ay ku barakacaeen kumanaan qoysas ah.

Xildhibanaada ayaa galabnimadii maanta dib ugu laabtey magaalada Muqdisho, ka dib markii kulamo ay la qaateen Maamulka deegaanka ayna wareejiyeen deeqdii loosoo dhibey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE