Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Baaqey In Si Deg Deg Ah Loo Xaliyo Xiisadda Ka Dhex Oogan Wadamada Khaliijka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Qadar iyo qaarka mid ah dalalka Khaliijka, ka hor dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan oo aan ku guda jirno.

Hogaamiyaha Turkiga Erdogan ayaa kula kulmay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha dibadda Baxreyn Sheekh Khaalid Bin Ahmed Al-Khaliifa, isagoo u sheegay in muhiim tahay in la xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloolsan wadamada Khaliijka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mouloud Gawgishoglu ayaa sheegay in Turkiga ay sii wadeyso dadaalka ay ku xalineyso muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijka, ayna qaadan doon door ,uhiim ah oo ku aadan xalinta xiisadda.

Mr Gawishoglu ayaa sheegay saldhiga milateri ee Turkiga uu yahay mid amniga gobolka ka qeyb qaadanaya, balse aan aheyn mid quseeya amniga dalka Qadar, Turkiga ayaa balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Qadar, waxaana ay ku baaqeen in la qaado cunaqabateynta iyo go’doominta lagu haayo dalka Qadar.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn iyo dalal kale ayaa xiriirka u jaray Isniintii la soo dhaafay dalka Qadar, iyagoo ka xirtay Hawada, Badda iyo dhulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE