Maleeshiyada Alshabaab Oo Albaabada U Laabey Goobo Waxbarasho Oo Ku Yaalla Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ay Albaabada iskugu dhufteen Dhowr Iskuul oo lagu barto Cilmiga Maadiga oo ku yaalla Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Barwaaqo oo ku yaalla Gobolka Gedo.

Iskuulada ay Xireen Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 10 Iskuul oo u badan Dugsiyada Hoose iyo Dhexe, oo ay wax ka baran jireen boqolaal ardey oo da’doodu u dhaxeysa Lex sano jir ilaa 18 sano jir.

Sababta ay Al-shabaab u Xireen Iskuulada ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan Manaahijta Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo Iskuuladaas lagu dhigi jiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa Xaqiijiyay in ay jiraan iskuulada ay Al-shabaab Xireen islamarkaana ay Waxbarasho la’aan soo foodsaartay Boqolaal Arday ah oo Iskuuladaas wax ka baran jiray.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE