Shir Wadatashi Ah Oo Ku Saabsan Barnaamijka Xisbiyada Badan Oo Ka Furmaya Magaalada Garowe (Sawiro)

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa lagu wadaa maanta inuu ka furmo shir wadatashi oo lagaga hadli doono caqabadaha hortoogan barnaamijka xisbiyadda Puntland oo sanadkii hore la daahfuray.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, guddiga doorashadda KMG, Ururadda bulshadda rayidka ah ee Puntland iyo Siyaasiyiinta xiiseenaya barnaamijka xisbiyadda Puntland.

Xubin ka tirsan guddiga doorashadda Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in shirkan ay guddigu ku soo bandhigi doonaan Waxqabadka guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, Mudadii sanad iyo barka ahayd ee u guddigu jiray, Caqabadaha shaqo ee guddiga hadda horyaalla iyo talada guddiga doorashooyinka ee xilligan.

Inta uu socdo shirkan, waxaa la filayaa inay dhacdo dood dhexmari doonto xukuumadda iyo guddiga doorashadda oo isku dhinac ah iyo siyaasiyiinta iyo ururadda bulshadda rayidka oo isku dhinac, taasi oo saxaafadu ay banaanka ka noqon doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE