Wasiiru Dowladaha Arimaha Dibada Dalka Qatar Oo Socdaal Deg Deg Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo kulamo la leh madaxda dowladda, Wuxuuna kulamo la qaatey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka.

Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xirtay hawada, badda iyo dhulka.

Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE