Xildhibaanada Beesha Biimaal Ee Ku Socda Magaalada Marka Oo Xaley Ku Hoydey Deegaanka Carbiska (Warbixin)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukummada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan degmooyin iyo deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Xubnahan ayaa waxa ka mid ah Xildhibaano ka ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka , iyado ay jiraan warar sheegaya in safarka ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan Maamulka K/galbeed.

Sida Warbixinta aan ku haayno Xildhibaanada uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukummadda Soomaaliya ayaa degmada Marka iyo Nambar 50 ka qeybin doona Raashiin gargaar oo Dowladda Soomaaliya ugu talashey in loo qeybiyo dadka ku barakacey colaadda Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyey ee Safarka aan ka heleyno ayaa ku aramaya in habeenkii xaley Mas’uuliyiintan ay gaareen Xerada Ciidamada AMISOM ee ku taalla Carbiska, laguna wado in saake ay soo gaaraan Degmada Nambar 50, halkas oo ay uga sii gudbayaan magaalada Marka.

Waxay noqon doontaa tallaabadii ugu horeysey oo ay qaadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Beesha Biimaal ee ku jira dowladda Fedaraalka hadii sida loogu talagalay ay u qeybiyaan Raashiinka gargaar ee dowladda ay usoo wakiilatey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE