Xildhibaano Ka Tirsan Beesha Biimaal Oo Soo Gaarey Degmada Nambar 50, Kulamo Deg Deg Ahna La Leh Maamulka Deegaanka

Degmnada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sacadihii lasoo dhaafey waxa soo gaarey Wafdi Xildhibaano ah oo ka socda dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya kuwaas oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Xildhibaan ahna Wasiir ku xigeen Xukuumadda dhexe Cabdulaahi Cumar Awyare, Xildhibaan Cabdalle Xuseen Cali, iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji ayaa markii ay soo gaareen Degmada Nambar 50, waxa soo dhaweyn ay ka heleen Maamulka iyu Shacabka deegaanka.

Waxa hada u socda Wafdiga iyo Maamulka deegaanka Kulamo la xiriira sidii xildhibaanada iyo Gudoomiye ku xigeenka ay xog uga heli lahaayeen xaaladda ka jirta deegaanka, iyo warbxin maamulka ay ka siin doonaan halka ay mareyso siyaasadda Beesha ee Dowladda dhexe.

Wafdigan ayaa qaar ka mid ah deegaanada Beesha Biimaal ay degto ee ku yaalla Shabeelada hoose usoo qaadey Raashiin gar gaar ah oo ay soo  dhiibtey dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya, waxaana dhawaan la filayaa in raashiin kale oo dheeraad ah lasoo dhiibo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Wararkeena dambe ayaan kusoo qori doonnaa hadii alla idmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE